Hyppää sisältöön
Media

Maqaaxiyuhu waxaa xadeymaha laga qaadayaa oo macaamiisha loo furi karaa dalka oo dhan isniinta 19.4. laga bilaabo

19.4.2021 14.25
Tiedote

Tiedote 15.4.2021 Ravintolat voivat olla auki asiakkaille rajoituksin koko maassa maanantaista 19.4. alkaen, somali

Ogeysiin 15.4.2021

Maqaaxiyaha iyo meheradaha kale ee nafaqooyinkuba waa in ay xidhnaadaan ilaa iyo axada  18.4.2021 oo ay ka xidhnaadaan macaamiisha meelahaasi, kuwaas oo ah kuwa lagama maarmaanka ah ee cudurka koronaha faafitaankiisa lagaga hor tagayo.  
Xidhnaanshahaasi wuxuu ka soo dhamaanayaa Pohjois-Savo jimcaha 16.4.2021 meelahaas oo xalaadooda cudurku ay soo hagaageyso awgeed. 

Maqaaxiyaha waxaa loo furi karaa macaamiisha dhammaan dalka Finland oo dhan 19.4.2021. Markaasna waa in lagu dhaqmo xadeymaha ku meel gaadhka ah, kuwaas oo khuseeya xilliyada furnaanshaha, iibinta khamrada, joogitaanka macaamiisha iyo dhaqdhaqaaqa maqaaxiyaha gudahooda iyo tirada macaamiisha. 

Meelaha uu ka dhaqangalayo xidhitaanka maqaaxiyuhu, kuwaas oo xaalada cudurku ay halis ka tahay 

Maqaaxiyaha iyo meheradaha kale ee nafaqooyinka xidhitaankooda ku meel gaadhka ah waxaa loo dajiyey meel seexadyada- iyo howlaha maqaaxiyaha sharciga la siiyey. Dowladda ayay sida sharcigu dhigayo waajib ku tahay in ay badasho xeerkaa u degsan meelaha xayndaabka xidhitaanka ka tirsan, waa haddii uunan xidhitaanku qasab ku sii aheyn gobolkaas.   

Xarunta caafimaadka iyo badqabku waxay bixisay 14.4.2021 qiimeyntii ugu dambeysey ee xaaladda cudurka ee aagagga. Sida taas ku saleysana xidhitaanku kama ahan lagama maarmaan Pohjois-Savo. Sababtaas awgeed ayey dowladdu u badashay khamiistii 15.4.2021 xeerkii u degsanaa, kaas oo qeexaya meelaha xayndaabyada xidhitaanku ka jiraan. 

Meheradaha nafaqooyinku waa in ay ka xidhnaadaan macaamiisha goboladan soo socda ilaa iyo axada 18.4.2021 laga gaadhayo:

  • Uusimaa
  • Varsinais-Suomi
  • Satakunta
  • Kanta-Häme
  • Pirkanmaa
  • Päijät-Häme
  • Kymenlaakso
  • Etelä-Karjala
  • Etelä-Savo
  • Pohjois-Karjala
  • Keski-Suomi
  • Pohjanmaa.

Xeyndaabka xidhnaanshaha kuma jiraan Ahvenanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Kainuu, Keski-Pohjanmaa, Lappi, Pohjois-Pohjanmaa ja Pohjois-Savo. Goboladaas meheradahooda nafaqooyinku waa in ay ku dhaqmaan xadeymaha, kuwaas oo laga siiyey sharciga cudurada faafa loona cuskanayo kaas. 

Xadeymaha xilliyada furnaanshaha, iibinta khamrada iyo tirada macaamiisha 

Xidhitaanku markuu dhamaado xadeymaha meheradaha nafaqooyinka waxaa lagu sii wadayaa sharciga cudurada faafa la siiyey iyadoona loo cuskanayo qawaaniintaas. Madaxweynaha dalka ujeedadiisu waxay tahay inuu xoojiyo sharcigaa cudurada faafa badaladiisa jimcihii 16.4.2021. Sharciga xoojintiisa ka dib dowladda ayaa bixin karta wareegtada jimcaha, taas oo meheradaha nafaqooyinka meelahaa xadeyntooda si sugan loo ansixin doono. Xadeymahani ujeedadoodu waa in la dhaqan geliyo isla isniinta 19.4.2021 gabagabeynta xidhitaanka. 

Wasaaradda caafimaadka- iyo arrimaha bulshadu waxay soo gaadhsiin doontaa maqaaxiyaha sida ay ugu howlgalayaan xadeymaha jimcaha 16.4.2021.

Dalabka magdhowga xidhnaanshuhu wuxuu furmayaa 12.5.

Maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee dhigooda ah ama shirkadaha kale ee lagu xidhay go’aanka masuuliyiinta dowladda waxay heli karaan magdhow intii ay xidhnaayeen. Magdhowga xidhnaanshaha ee cusubi wuxuu khuseeyaa shirkadaha yaryar iyo shirkadaha aadka u yaryar, kuwaas oo ay ugu badnaan ka shaqeeyaan 49 shaqaale.  

Dalbashada magdhowga xidhnaanshuhu wuxuu bilaabmayaa 12.5.2021. Shirkaduhu waxay magdhowgaa ka dalbanayaa qasnada dowladda.

Shirkadaha waaweyn magdhowga xidhnaanshahooda waa la diyaarinayaa. Wasaaradda shaqada- iyo maareynta noloshu waxay wada hadalo uga socdaan hadda komishanka Yurub shirkadaha waaweyn shuruudaha kaalmooyinkooda iyo cadadka ugu badan ee la bixinayo.

Warbixin dheeraad ah:
masuulka dowliga Liisa Huhtala, TEM, p. 029 504 7062, xidhitaanka maqaaxiyaha
masuulka dowliga Ismo Tuominen, STM, [email protected], xadeymaha sharciga cudurada faafa 
masuulka warshadaha Mikko Huuskonen, TEM, p. 0295 063 732, magdhowga xidhnaanshaha

Weydiimo iyo jawaabo ku saabsan xidhnaanshaha maqaaxiyaha 
Xadeymaha maqaaxiyaha ee gobol walba 
Wareegtada dowladdu soo saartey ee meheradaha nafaqooyinku xilliyada ay furan yihiin ee ku meel gaadhka ah xadeyntooda ah si looga hor tago faafitaanka cudurka wareegtadaa ay dowladdu bixisay ee 2 §:aad badalidooda waxaa lagu soo shaacinayaa go’aanka bogga wasaaradda shaqada- iyo maareynta nolosha  
 

Tiedote
Sivun alkuun