Su’aalo iyo jawaabo ku saabsan xidhida makhaayadaha

Kysymyksiä ja vastauksia koronasta ja ravintoloiden sulkemisesta somaliksi.

7.4.2020

Waa maxay sababta loo xidhayo ganacsiyada makhaayadaha ah oo dhan?

Makhaayadaha waddanka oo dhan waa muhiim in laga xidho macaamiisha, sababtoo ah waxa ay lagama maarmaan u tahay in lagaga hor tago faafidda cudurka. Xadayntii hore oo la sameeyay si loo xadeeyo wada macaamiilka dadku ma ahayn kuwo ku filan xaaladda jirta.

Makhaayadaha, kafeeleyaasha iyo goobaha khamriga lagu cabo dadku markay joogaan waxay u wada joogaan si ay isku dhowyihiin aanay ku badanyihiin goobahaas, markaa aqoonta imika la hayo waxay sheegaysaa in cudurka oo ku faafa dhibco uu meelaha noocaas ah si fudud loogu kala qaado.

Makhaayada waxa u bannaan inta ay xadayntani jirto in laga dalban karo cuntooyinka ay sameeyaan ama ay macaamiisha yagu u gayn karaan.

Maxaa amarka xidhidda makhaayadaha loogu hirgalin waayay kolba qayb waddanka ka mid ah?

Haddii kolba qayb waddanka ka mid ah la xidhi lahaa makhaayadaha waxa wali jiri lahayd halista uu cudurku ku faafayo oo in kolba qayb waddanka ka mid ah laga xidho makhaayadaha kama hortagayso faafidda cudurka.

Ebidemiahan waxa uu ku faafay wakhti yar waxana kolba soo baxaya qaybo waddanka Finland ka mid ah oo dad badan ay kala qaadayaan.

In la iska ilaaliyo la kulanka dadka waxay leedahay muhiimad gaar ah, si looga hortago in xaaladda cudurku ay sii badato..

Waa maxay waxyaalaha xadayntu ay khuseyso? Miyay khuseysaa balakoonada kafeeleyaasha/baararka ama kafeelayaasha banaanka ah ee suuqa?

Ganacsiyada makhaayadaha ah waxa ah tusaale ahaan kafeeleyaasha, makhaayadaha, baarasha, iyo goobaha kale cabitaan ama cunto bixiya ee u furan shacabka. Sidoo kale makhaayadaha ama kafeeleyaasha ganacsiyada kale ku sii dhex yaalla (sida kaalin shidaal oo kale ama tukaan oo kale) way u jiraan xadaynta. Xadayntu waxa kale oo ay khusaysaa balakoonada.

Ka waran xanaanooyinka, iskoolada goobahooda laga cunteeyo ama cisbitaalada goobahooda cuntada ee shaqaalaha?

Goobaha waayeelada, cisbitaalada, gurmadka, xabsiyada, xanaanooyinka, goobaha cuntada ee ka xidhan shacabka ee u furan uu dadka meelahaas ku xidhan sidii caadiga ahayd ayay u furnaan karaan..

Maxaa laga wadaa in banaanka lagag dalbado ama loo iibiyo?

Makhaayadaha iyo kafeeleyaasha way u bannaantahay in ay cuntooyinkooda ama cabitaanadooda u iibiyaan yaga oo ah take-away oo ay macaamiishu ka soo doonanayaan ama yagu u gaynayaan macaamiisha yaga oo adeegsanaya adeegyada u geeya macaamiisha ama yagu toos ha ugu geystaan. Cuntooyinka ama cabitaanada marka uu macaamiilku iibsado ma banaana in uu la sii fadhiyo balakoonka makhaayada ama makhaayadda gudaheeda, e waa in uu qaataa oo uu la tagaa meel kale oo uu ku cuno.

Marka makhaayaddu cuntada ay iibinayso ee ay dirayso ama laga soo doonanayo waa in ay suuro galiso wakhtiga la wareegga cuntada qaab lagaga hortagayo khatarta ah in la kala qaado xanuunka.

Sharcigan miyuu suuro galinayaa in makhaayaduhu ay macaamiilka ka iibiyaan cabitaanada khamriga ah si uu u sii qaato?

Sharcigan laguma qoondaynayo isbadal la xidhiidha sharciga khamriga. Sharcigan waxa uu dhigayaa in cuntooyinka iyo cabitaanada makhaayadaha aanay u banaanayn in ay ku siiyaan macaamiishooda gudaha ama banaanka makhaayadaha. Taas oo dhigaysa inaanay u banaanayn makhaayadaha in iibiyaan cabitaanada khamriga ah si ay macaamiishu ugu cabaan goobta makhaayada. Finland waxa jira dhowr boqol oo makhaayad oo dalbaday in loo fududeeyo sharciga qaybta khamriga khuseysa. Makhaayadahaas waxa ilaa imika u bannaan inay iibiyaan cabitaano khamriga ku jiraa uu ugu badnaan yahay 5,5 % brosent si ay macaamiishu u sii qaataan. Makhaayadaha khamriga loo oggolyahay in ay iibiyaan waxa uu u dhigmaa tukaamada cuntada khamriga laga iibsan karo.

Xadayntan ganacsiyada uu khuseeyo balaadhkiisu waa intee in leeg?

Ganacsiyada ka ganacsada makhaayadaha waxa ay tiradoodu tahay 10 336 takhliyadooduna waxa ay gaadhaan 5,3 billion. Shaqaalaha makhaayadaha ka shaqeeya tiradoodu waxa weeyaan 50 097 qof. Tiradani waa mid la qoray 2017 waxayna u badantahay wakhti xaadirkan in ay intaa ka sii badanyihiin.

Dowladdu siday u taakulaynaysaa makhaayadaha, kafeeleyaasha iyo baararka dhaqaale ahaan marka ay u diiddo ganacsiga?

Taakulayn loogu talo galay shirkaduhu waa diyaar. Marka ugu horaysa waxa fiican in ay shirkaduhu la xidhiidhaan bangiyadooda tusaale ahaan in loo dabciyo wakhtiga lacagta ay bixinayaan ama in bilaha qaarkood lacagta dib looga dhigo bixintooda. Dowladda ayaa ku taakulaynaysa bangiyada caawimaadda ay shirkadaha siinayaan.

Business Finland adeegyada maalgalinta ah ee ay bixiyaan way u banaanyihiin inay makhaayaduhu dalbadaan. Adeegyada maalgalinta waxa lagu caawinayaa ganacsiyada safarka iyo adeegyada safarada soo raaca, sidoo kale ganacsiyada farshaxanka ama shirkad kasta oo saamayn ganacsigeeda uu ku yeeshay xaaladan korooonaha ee imika ay saameeysay. Maalgalinta waxa loogu talo galay shirkada si ay u samaysan karaan goobo cusub oo ganacsi ayna u samaysan karaan dib u kobcin shirkadaha ah oo la xidhiidha xaladan jirta.  

Sido kale xarumaha ELY ayaa ku talo galay in ay garabsiiyaan ganacsatada maakhayadaha ee saamaynta ay ku yeelatay xaaladooda dhaqaale xanuunkan koroonuhu. Waxa mashruucyada dib u kobcinta ganacsiyada ee xarumaha ELY ay ku socdaan khaasatan shirkadaha noocyada gaarka ah ee cadadkoodu dhexdhexaadka yahay si looga hortago khasaaraha uu ku keenayo xanuunkan koroonuhu.  .

Adeegga la talinta ah ee ku socda ganacsiyada ee Talousapu-neuvontapalvelu waxa lagaa siinayaa talo bixin ku saabsan dhibaatooyinka dhaqaalaha ee shirkadaha ama awood la’aanta ay kharashaadkooda ku bixin karaa.

Macluumaad dheeri ah

Hagitaanka ku socda shirkadaha ee xaaladda cudurka koronada (vain suomeksi)

Taakulaynta shirkadaha ee xaaladda cudurka koronada (vain suomeksi)

Maxaa loola jeedaa shaqada maqaayadda shaqaalaha? Ma furi karnaa tusaale ahaan goobta laga wada cunteeyo ee goobta shaqada, inkastoo ay halkaas ka cunteynayaan shaqaale u shaqeeya shaqo-bixiyayaal kala duwan?

Xirista maqaayaduhu ma quseyso maqaayadaha shaqaalaha. Muhiimaddu waa in  maqaayaddu ay u furantahay dadka aan meesha ka shaqeyn iyo in ay u furantahay koox dad ah xaddidan.  

Maqaayadda shaqaalaha waxaa loola jeedaa cunto cunis loo qabanqaabiyay shaqaale ay shirkad ama koox leedahay ama koox dad ah oo xaddidan. Maqaayadda shaqaaluhu waa tusaale ahaan maqaayad u adeegta shaqaalaha goobta shaqada ama qolooyin kale oo cayiman, taas oo aan u furneyn dadka kale ee dhinacyadaas ka baxsan.

Sharciga miyaa qeexaya qaabka ay tahay in cuntada loogu qabanqaabiyo maqaayadaha shaqaalaha, tusaale ahaan ma la oggolyahay in lagu bixiyo cuntada buufeetka ah?

Sharciga degsan lama socdo xadeymaha ama awaamiirta tooska ee ku saabsan sida cuntada loogu bixinayo maqaayadaha shaqaalaha.

Xiritaanka maqaayadaha waxaa lagu doonayaa in lagu xadeeyo xiriirka dadka dhexmara ee ay ku jirto halista qaadista cudurkan. Qofka ku shaqeysta maqaayadaha shaqaalaha ee furan waa in uu ku dadaalaa in halista qaadista cudurku ay noqoto mid yar marka uu qabanqaabinayo arrimaha la xiriira cunto cunista, cunto bixinta, faylka iyo cuntayntaba.

Ka fiiri macluumaad dheeraad ah bogagga Hay’adda cuntada ( af finnish) 

Nidaam hawleedka maqaayaddayda ma u beddeli karaa maqaayad shaqaale, si aan qado u siiyo shaqaale hal goob ka shaqeeya?

Sharci ahaan ma jirto wax diidaya, in maqaayaddu ay qorshaheeda waxqabadka u beddesho maqaayad shaqaale oo cunto siiya koox dad ah oo xaddidan.

Marka arrintan la sameynayo waxaa wanaagsan in beddelista nidaam hawleedka loogu hirgeliyo macaamiisha hab la wada arki karo, mana ahan in la  tuso dareen ah, in marka xaaladdaas lagu jiro loola dhaqmo qaab faquuqid ah dadka macaamiil ama rukun kale doonaya.

Miyaan sii wadi karaa in aan u shaqeeyo sidii goob heshiis looga cunteeyo, inkastoo aan heshiis kula jiro shirkado badan?

Muhiimaddu waa in cuntada la siinayo koox dad ah oo xaddidan. Si cad looguma qeexin sharciga degsan baaxadda ay dhantahay kooxda dadka ah, laakiin maqaayaddu uma furnaan karto dadweynaha.

Hawlaha maqaayad caadi ah oo heshiis cunto siin ah kula jirta shaqaale u shaqeeya shirkado cayiman waa la oggolyahay, haddii aysan maqaayaddu u furneyn macaamiisha kale.