Su’aalo iyo jawaabo ku saabsan korona iyo shaqada

Kysymyksiä ja vastauksia koronasta ja työelämästä somalin kielellä

30.3.2020

Miyaan ka maqnaan karaa shaqada si aniga ama qof ii dhow uunan u galin halis uu ku qaadi karo xanuunka? Maxay ka micno tahay in qofka ay waajib ku tahay shaqadu miyayse qofkaas oo kale saameeyaan xaaladan caadiga ka baxsan ee ay dowladdu ku jirto?

Shaqada qofku ugama maqnaan karo go’aan uu isagu leeyahay. Goobaha shaqada heshiisyada u yaalla ee shaqada ah waa kuwo shaqaynaya xataa wakhtiga lagu jiro ebidemiyada ama faafidda badan ee feyrusyada. Goobo badan oo shaqo waxay u wareegayaan shaqada in aanan xafiiska ama goodbta shaqada loo imanin ee qofka oo gurigiisa jooga inuu qabsan karo. Shaqooyinka ay sidaasi suuro gal tahay sidaas ayaa loo gudanayaa.

Shaqaaluhu wuu ka maqnaan karaa shaqada haddii xanaanada ama iskoolada caruurta oo xidhmay ay ku khasbeen in uu shaqada uga joogo. Sharcigu ma dhigayo in uu qofku mishaar qaadan karo muddada uu shaqada ka maqanyahay, laakiin heshiiska shaqada waxa macquul ah in shardiyada shaqada lagu sii qoondeeyay wax xaaladan khuseeya oo ay wanaagsantahay in aad dib loogu noqdo.

Shaqo bixiyaha ma u suuro gal baa in uu kugu khasbo inaad shaqada timaado? Shaqada gurmadka ah maxaa laga wadaa miyaase lagu helayaa mishaar?

Heshiiska shaqadu haddii uu dhigayo in qofka ay waajib ku tahay in uu shaqeeyo muddada lagu jiro ebidemiyada feyruska waa in uu qofku shaqeeyo.

Ebidemiyada feyrusku wuxuu keeni karaa xaalado ay iman karaan waxyaalo anan hore loogu xisaabtamin ama loo filin oo joojin kara waxqabadka caadiga ah ama sida caadiga ah ee ay wax u socdaan ama halis la taabon karo uu ku keeni karo nolosha caadiga ah sida ay wax u kala socdaan. Xaaladan oo kale waxa shaqo bixiyaha u bannaan in uu u diri karo shaqaalaha shaqo gurmad ah. Waxa kale oo bannaan in shaqada gurmadka ah loo diro shaqaalaha haddii ay yimaadaan xaalado halis ku keeni kara nafta, caafimaadka, hantida ama bii’ada.

Shaqada gurmadka ah ee dheer wakhtiga shaqada ee caadiga ah waxa uu shaqo bixiyuhu u diri karaa shaqaalaha marka ay lama huraan tahay oo kaliyaata, waxana markiiba qofka loo diri karoo 2 isbuuc. Wakhtiga shaqada ee caadiga ah shaqada dheer waa in uu qofku ku helaa mishaar dheeri ah oo wakhtiga dheeraadka ku ah u dhigma.

Sharcigu miyuu ula dhaqmaa shaqaalaha kala duwan ee noocyadooda shaqadu ay kala duwantahay si isku mid ah?

Guud ahaan haa. Waxase jira shaqooyin noocyadoodu ay keenayso in sharciyo gaar ah loo suuro galiyo. Tusaale ahaan shaqada habeenkii loo dhafrayo meelo badan waa ka mamnuuc laakiin cisbitaalada oo kale waa lagu khasbanyahay.

Muddada lagu jiro ebidemiyada feyruska korona waxa lama huraan ah in la suuro galiyo shaqada iyo waxqabadka lama huraanka u ah mushtamaca iyo muwaadiniinta caafimaadkooda iyo noloshooda. Sababtaas darteed waxa khasab noqotay in lagu fuliyo sharciga asaasiga ah ee xaaladda caadiga ka baxsan wakhtiyada shaqada, fasaxyada sanadlaha ah iyo shardiyo kale oo ku jira heshiisyada shaqada oo si ka duwan heshiisku sida uu dhigayo loo shaqeeyo. Taas waxa tusaale u ah in tusaale ahaan ay u banaantahay shaqo bixiyaha in uu ka bixi karo wakhtiyada hore loogu heshiiyay ee fasaxa sanadlaha ah iyo sharciyada lamidka ah ee shardiyada shaqada ku jira.

Miyay u bannaantahay in uu shaqo bixiyuhu dib u dhigo fasaxayga sanadlaha ah? Ama in uu igu khasbi karo in aan soo qaddinto oo wakhtigii an u qorshaystay wakhti ka horeeya an qaato fasxayga?

Sida caadiga ah qaadashada fasaxyada sanadlaha ah hore ayay uga sii heshiiyaan shaqobixiyaha iyo shaqaaluhu. Qoondeynta wakhtiga fasaxa sanadlaha la qaadanayo waxa awood u leh shaqobixiyaha.

Shaqobixiyuhu wuxuu ku amri karaa in fasaxa sanadlaha ah la qaato wakhtiga uu sharcigu dhigayo. Tusaale ahaan fasaxa xagaaga waxa la qaataa wakhti u go’an (2.5.–30.9.) fasaxa jiilaalkana waxa laqaataa muddada u dhaxaysa 1.10.–30.4. Shaqooyinka qaarkood waxa ay leeyihiin shardiyo khaas u ah oo sameeya wakhtiyada fasaxa ee xagaaga iyo jiilaalka ah. Fasaxa xagaaga iyo ka jiilaalka waa in shaqaalaha loo siiyaa si isku xidhiidhsan, haddii aanay jirin xaalad khasbaysa in lakala qaybiyo fasaxa xagaaga inta dheer 12 maalmood oo maalmaha shaqada ah oo markaa si is daba joog ah ama si kala googoos ah loo qaadanayo.

Marka uu shaqo bixiyuhu amrayo wakhatiga la qaadanayo fasaxa sanadlaha waa in uu u sii sheegaa shaqaalihiisa hal bil kahor inta aananla gaadhin wakhtiga fasaxa. Tan waa laga bixi karaa haddii ay jirto xaalad keenaysa in aanay si xaqiiqo ah suuro gal u ahayn in bil kahor la sii sheego. Markaas oo kale waa in wakhtiga fasaxa loo sheego shaqaalaha ugu yaraan labo todobaad kahor inta aanan la gaadhin wakhtiga fasaxa.

Haddii shaqo bixiyuhu uu sheegay wakhtiga fasaxa sanadlaha la qadaanayo ama hore looga heshiiyay fasaxa sanadlaha ah oo ay ka wada heshiiyeen shaqaalaha iyo shaqobixiyuhu, uma bannaanan in shaqo bixiyuhu uu kaligii iska badalo wakhtigii hore loogu heshiiyay. Haddii uu shaqo bixiyuhu baddalo wakhtiga fasaxa isaga oo anan la kaashanin shaqaalaha oo shaqaalaha arinkaas uu ku keeno kharash dheeraad ah ama dhibaato dhaqaale, waxa waajib ku ah shaqobixiyaha in uu u magdhabo kharashkaas shaqaalaha. Shaqaalaha waxa markaas uu ku khasbanyahay in uu fuliyo qorshaha cusub ee shaqo bixiyuhu uu dajjiyay ee ku saabsan wakhtiga fasaxa sanadlaha ah, xataa marka uu shaqo bixiyuhu si sharciga ka baxsan uu u baddalo wakhtiga fasaxa sanadlaha.

Shaqo bixiyuhu ma joojin karo fasax sanadle ah oo uu shaqaaluhu galayba. Haddii uu qofku ku jiro shaqo joogto oo mas’uulnimo ah waa in shaqadaas lagu fuliyaa shardiyada shaqada ee shaqaalaha mas’uulka ah ee khuseeya joojinta fasaxa sanadlaha ah ee hore u bilaabmay. 

Wakhtiga fasaxa sanadlaha ah waxa bannaan in la badali karo haddii ay si gaar ah uga heshiiyaan shaqaalha iyo shaqo bixiyuhu.

Fiiro gaar ah u yeelo! Shaqooyinka daryeelka caafimaadka, u adeegidda bulshada, badbaadada, gurmadka iyo shaqada booliska shaqobixiyaha waxa u bannaan isaga oo ku tiirsananaya sharciga wakhtiga caadiga ka baxsan in uu ka baxo heshiisyada hore fasaxa sanadlaha ah ama shardiyada heshiiska shaqada sida uu dhigayo sharciga dowladda ee la dajjiyay. Waxa shaqobixiyaha markaas u bannaan in uu dib u dhigi karo fasax hore looga heshiiyay ama uu ka dhex gali karo shaqaaluhu fasax uu galayba. 

Goorma ayay tahay in uu shaqobixiyuhu u soo sheego shaqaalaha in shaqada laga joojinayo? Muddada shaqobixiyaha ay waajib ku tahay in uu u sheego shaqaalaha in shaqada laga joojinayo oo 14 maalmood ah ayaa imika xaaladda lagu jiro darteed loo soo gaabiyay oo looga dhigay 5 maalmood. Si kale marka loo dhigo shaqo bixiyuhu waa in uu 5 maalin kahor inta aanay shaqaalaha shaqadu ka joogsanin u sheegaa in shaqada laga joojinayo.

Isbaddalkan wuxuu soconayaa muddada u dhaxaysa 1.4.–30.6.2020. Taas waxa looga jeedaa in lagu caawiyo shirkadaha sidii ay uga bixi lahaayeen xaaladan kadiska ah dhibaatada dhaqale ee ay ku keenayso si aanay u dhicin inay shirkaduhu kacaan.

Isbaddalkani saamayn kuma laha shaqoyinka dowladda wakhtiyada ay tahay inay shaqaalaha ogaysiiyaan in shaqada laga fadhiisinayo.

Fiiro gaar ah u yeelo! Shardiyada shaqada ee heshiiska shaqada ku yaalla waxa lagu qoondeeyay amaro ku saabsan muddada ogaysiinta ka joojinta shaqada ee shaqaalaha. Haddii shaqobixiyaha shardi waajib ku ah in uu fuliyo ay ku taalo heshiiska shaqada waa in amarkaas loo fuliyaa yada oo lagu baddalayo sharciga jira. Goobo badan oo shaqo ayaa xaaladda korona ay ku keentay in gaadhaan go’aamo caadiga ka baxsan oo laga warsan karo ururada shaqaalaha iyo shaqada.

Sidee loo fulinayaa sharciga wadashaqaynta muddada lagu jiro xaaladda korona?

Sharciga wadashqaynta qodobkiisa 8aad waxa lagu fuliyaa xaalada keenaya in uu shaqobixiyuhu ka fikirayo in uu shaqada ka fadhiisiyo, fasax khasab ah galiyo, ama wakhtigiisa shaqada uu soo gaabiyo hal shaqaale ama in ka badan. Marka uu shaqo bixiyuhu ka fikirayo in uu fuliyo arimo noocan ah waa in uu qoraal wadakaashi ah uu fuliyaa oo uu kaga hadlayo wada tashiga wada shaqaynta ama dib u soo kobcinta shaqada ugu yaraan shan maalmood kahor inta aanu wadaxaajoodka bilaabin.

Shaqobixiyuhu haddii uu bandhigo waxqabadyo keeni kara in shaqaale laga joojiyo shaqada, fasax khasab ah la galiyo, ama wakhtigiisa shaqada lagu soo gaabiyo waa in uu bandhigga qoraalka ah ee wada tashiga ah u gudbiyaa sidaas oo kale xafiisyada shaqo la’aanta ugu dambayn goorta wada xaajadu ay u bilaabatay haddii anan wakhti ka horeeya lasii gudbin.

Wakhtiyada wada tashiga

Fasaxa khasabka ah ee shaqada wadaxaajoodka la xidhiidha ee wakhtigiisu yahay lix todobaad waa la soo gaabinayaa waxana laga dhigayaa 14 maalmood ama shan maalmood. Wakhtiyada wada xaajoodka waxa loo gaabinayaa si aanay shirkadaha awoodooda dhaqaale hoos ugu dhicin haddii muddo dheer ay ku noqoto in wada xaajoodka ay ku jiraan. Isbaddalkan waxa uu jiraayaa 1.4.–30.6.2020.

Marka laga wada xaajoonayo in shaqaalaha shaqada laga joojiyo ama in wakhtigooda shaqada la soo gaabiyo wali waxa sharcigu uu dhigayaa in ay ahaanayaan 14 maalmood iyo lix todobaad.

Maxaa looga jeedaa amniga isbaddalka ee shaqaalaha, sideese loo fulinayaa muddada lagu gudo jiro feyruska koronada?

Ujeedada amniga isbaddalku waa in si dhakhso ah loogu caawiyaa shaqaalaha u waayay shaqadiisa xaalad dhaqaale ama xaalad wax soo saar darteed oo loogu fududeeyaa siduu u heli lahaa shaqo cusub looguna garabsiiyo muddada uu ku jiro shaqo la’aanta. Marka ay shaqo la’aantu qaadato ugu yaraan 180 maalmood waxa shaqaalaha shaqada laga fadhiisiyay uu xaq u yeelanayaa in uu soo galo xuquuqda amniga isbadalka.

Qofka amniga isbadalka ku jira waxa uu xaq u leeyahay in uu mishaar qaato muddada shaqada ay ka dhamaanayso ee uu shaqo kale raadsanayo ama marka uu ku jiro in uu samaysto qorshaha shaqogalidda ama waxyaalaha uu qorshahaas kaga xidhanyahay. Muddada shaqada qofka laga fasaxayo ayay ku xidhantahay fasaxaas mishaarka leh qofku intuu ku jirayo (5-20 maalmool). Fasaxaas ma aha in uu shirkadda ku keeno culays dheeraad ah waana in shaqobixiyaha loo sii sheegaa in la qaadanayo wakhti fiican ka hor. Amniga isbaddalka waxa kale oo ku jira in uu qofku dalban karo lacagta shaqo la’anta ee maalinlaha ah oo ka badan inta caadiga ah ama u dhiganta mishaarkiisii hore muddada uu ku jiro adeegyada suuro galinaya shaqo galidiisa. Waxa uu qofku lacagtaas qaadan karaa ugu badnaan 200 oo maalin.

Haddii shaqo bixiyaha ay u shaqeeyaan ugu yaraan 30 qof oo si isdaba joog ah ugu shaqaynayay ugu yaraan shan sano waa in loo suuro galiyaa shaqaalahaas in ay helaan toobabar shaqobixiyuhu uu u diyaarinayo oo horumarinaya fursadahooda shaqo. Shaqobixiyaha iyo shaqaalaha ayaa ka wada heshiin kara gudashada waajibkaas haddii uu shaqaaluhu soo helo toobabarka oo u shaqobixiyuhu kharashkiisa oo dhan ama qayb ahaan ah bixiyo.

Waxa kale oo amniga isbaddalka ku jira in shaqobixiyaha ay waajib ku tahay in uu suuro galiyo daryeelka caafimaadka shaqaalaha xaalad wax soo saar ama xaalad dhaqaale ay ku keentay in shaqada looga fadhiisiyo hal bil oo ka dambaysa wakhtiga shaqada laga fadhiisiyay waa in uu shaqaalahaas helaa daryeelkiisa caafimaadka oo uu shaqo bixiyuhu u suuro galinayo. Tan waxay khusaysaa shaqobixiyaha ugu yaraan 30 shaqaale ay u shaqeeyaan ee shaqaalihiisa ugu yaraan shan sano u shaqaynayay shaqobixiyaha inta aanay shaqadu ka joogsaan.

Mudddada tijaabada shaqada miyay ku yimaadeen wax isbaddal ah oo khuseeya darajada shaqada ee shqaalaha?

Sharciga heshiiska shaqada iyo sharciga heshiiska shaqada badda waxa lagu sameeyay isbaddal u suuro galinaya shaqobixiyaha in uu burin karo heshiiska shaqada ee shaqaalaha ku jira muddada tijaabada isaga oo ku tiirsanaya sabab dhaqaale ama sabab wax soo saar sida uu sharcigu dhigayo. Sabab wax soo saar ama sabab dhaqaale waxa loola jeedaa in shaqada dhaqaalaha ay soo saarayso ama wax soo saarkeedu ay si muuqata u yaraadeen yadoo xaaladda jirta ay keentay hoos u dhacaas ayna tahay wax joogto ah. Intaanan la fulinin burinta muddada tijaabada waxa habboon in la qiimeeyo in ay suuro gal tahay in arinkaas uu suuro gal noqonayo in looga wareego yada oo tusaale ahaan shaqaalaha shaqo kale loo dirayo ama shaqo kale loo toobabarayo.  

Burinta heshiiska shaqada ee muddada tijaabadu waxa uu keenayaa in ay shaqadu dhamaato wakhtiga go’aankaas burinta la gaadho haddii aanu heshiiska shaqadu dhigaynin in la fuliyo muddada kajoojinta shaqada.

Isbaddalkan waxa uu shaqaynayaa 1.4.–30.6.2020. Isbaddalka laguma fulinayo shaqooyinka dowladda. Shaqaalaha u shaqeeya dowladda heshiisyadooda shaqada shardiyada ku yaalla yada oo la kaashanayo shaqada waa laga joojin karaa laakin muddada kajoojinta shaqada waa in la fuliyaa.

Ma suuro galbaa in shaqaale muddo cayiman shaqaynayay laga fadhiisiyo shaqada?

Shaqobixiyaha waxa u bannaan 1.4.2020 laga bilaabo in uu shaqada ka fadhiisiyo shaqaalaha u shaqaynayay muddo cayiman ee ku shaqaynaya shardiyada shaqada ee lamidka ah shaqaalaha muddo aan la cayimin (joogto) u shaqaynayay. Isbaddalkani waxa uu shaqaynayaa saddex bilood oo ku eeg 30.6. 2020.

Sharciga heshiiska shaqada waxa lagu qoondeeyay sababaha shaqaalaha shaqada looga fadhiisin karo. Ilaa imika waxa uu dhigayaa in shaqada laga fadhiisin karo shaqaalaha haddii xaaladda waxsoosaarka ama xaaladda dhaqaalaha ee shirkaddu ay keentay in awoodda dhaqaale ee shirkaddu aanay saamaxayn in shaqaalahaas la sii haysto taasna ay dheertahay in aanu shaqobixiyuhu awood u lahayn in uu dib u toobabaro shaqaalaha ama uu u wareejiyo shaqo kale.

Isbaddalkaas laguma fulinayo shaqooyinka dowladda. Sidaas darteed shaqaalaha u shaqeeya dowladda suuro gal ma aha in shaqada laga fadhiisiyo. Siyaabaha kaliya ee looga fadhiisin karo waxa weeyaan haddii shaqaalaha qabanaya shaqada muddada cayiman uu ku sii simayay shaqada shaqaale boos joogta ah haystay oo shaqada laga fadhiisinayo.

Shirkadda miyay u bannantahay in ay ku amraan shaqaalaha labo galin oo shaqo ah (gallin hore iyo gallin dambe) muddada lagu jiro xaaladan dheeraadka ah?

Shaqada hal wakhti ahayd waxa suuro gal ah in laga dhigo shaqo labo galin la qabanayo. Gallinle waa laga dhigi karaa shaqo kasta haddii shardiyada shaqada ee heshiiska shaqada ku yaalla aanay wax xadayn ah ku jirin. Shaqaalaha ka shaqaynaya shaqooyinka gallinlaha ah shaqadoodu waa in ay ahaataa mid isku noocyad ah laakiin khasab ma aha inay ahaato mid isku wada mid ah. Shaqobixiyuhu waa in uu ku dadaalaa in shaqaalaha wakhtiyadiisa nasiimada ee maalinlaha iyo kuwa isbuuclaha ah ay suuro galaan. 

Shaqooyinka gallimada kala duwan ah waa in ay si joogto ah isku badbadlaaan oo wakhti hore looga sii heshiiyay ay isku baddalaan. Si joogto ah inay isku baddalaan shaqooyinka gallinlaha ah waxa loo arkayaa marka ugu badnaan hal saac ay wadaagaan labada gallin ama ugu badnaan hal saac ay u dhaxayso.

Shaqada gallinlaha ah waa in qiimaynta lagu darsadaa liiska shaqada oo ay tahay in shaqaaluhu ay sii helaan wakhti hore. Ugu dambayn hal isbuuc kahor inta aanan lagalin shaqada lagu qoray liiska shaqada. Markaas kadib waxa liiska shaqada la badali karaa oo kaliyaata haddii shaqaaluhu uu oggolaado ama xaalad culus oo shaqada ku timiday ay kalifto arinkaas.

Ma wax isbaddal ah ayaa ku yimidday waajibka soo cesashada shaqaalaha ee shaqobixiyaha?

Haa. Sharciga heshiiska shaqada iyo sharciga shaqada baddu waajibka uu dhigayo ee soo cesashada waa la dheeraynayaa muddadan lagu jiro xaaladan dheeraadka ah waxana laga dhigayaa tii afar bilood ahayd ama lix bilood ahayd sagaal bilood. Isbadalkani wuxuu shaqaynaya 1.4.–30.6.2020. Soogaabinta muddada soo cesashada waxa lagu fulinaya heshiisyada shaqada ee la burin karo muddada sharcigu uu jiro. Goorta shaqadu ay dhamaatay saamayn ma laha.

Waajibka soo cesashada ee dheer wuxuu khuseeyaa shaqaalaha muddada uu sharcigani jiro shaqada looga fadhiisiyay yada oo ay sabab u ahayd dhaqaalaha ama waxsoosaarka shirkadda oo hoos u dhacay yadoonan loo eegaynin heshiiska shaqada ee shaqaalaha muddadiisa.

Isbadalkan luguma fulinayo shaqooyinka dowladda. Shaqooyinka dowladda sidii caadiga ahayd ayaa mudda u dhaxaysa 1.4 –30.6. wali loo sii fulinayaa heshiiska shaqada yada oo uu ku xidhanyahay afar ama lix bilood oo ah muddada waajibka soo cesashada.

Shirkadda miyay u bannantahay inay dib u dhigato bixinta mishaarka?

Sharciga heshiisyada shaqadu waxa uu dhigayaa inay tahay mishaarka in la biciyo maalinta u daaḿbaysa haddii anan si kale looga heshiin arinkaas. Wakhtiga bixinta mishaarka waxa macquul ah in heshiisyo kala duwan laga gaadhay waxana macquul ah in shaqooyinka kala duwan ay shardiyadoodu kala duwanyihiin. Heshiiysadaas iyo amaradaas waa kuwo ay tahay shaqobixiyuhu un uu fuliyo.

Kaligii go’aan kuma gaadhi karo shaqo bixiyuhu un uu fulin waayo waajibka bixinta mishaarka. Haddii bixinta mishaarku ay dib u dhacdo waxa shaqaalaha u bannaan in uu helo mishaar maalmaha uu mishaarku sugayay oo ugu badnaan lix maalmood ah.

Ayaa bixinaya mishaarka muddada lagu jiro xanuunka ama karanteenka? Shirkaddu miyay magdhow ku heli kartaa kharashaadkaas?

Haddii shaqo bixiyuhu uu xanuunkiisa dartii awoodiisa shaqo u seego, waxa uu xaq u leeyahay in uu helo mishaar muddada xanuunka ah oo u dhigma shardiyada ku yaalla heshiiskiisa shaqada. Guud ahaan taas micnaheedu waxa weeyaan in la fulinayo shaqooyinka kala duwan.

Keladu waxay bixinaysaa lacagta taakulaynta xanuunka ee maalmaha uu qofku xanuunsanaa. Taakulaynta maalmaha xanuunka waxa la bilaabaa bixintooda kadib  marka ay qofka ka dhamaato inta isaga waajibka ku ah. Muddada qofka waajibka ku ah in uu isdabaro badana waxa weeyaan maalintau u xanuunsaday iyo 9 maalmood ee shaqo ee ku xiga. Badanaa shaqobixiyaha ayaa dalbada  taakulaynta maalinlaha ah ee xanuunka haddii uu maalmaha xanuunka uu ku maqnaa qofku mishaar ku siiyay.

Haddii shaqaalaha lagu amray in la karaantimeeyo waxa uu xaq u leeyahay 100% oo kamid ah taakulaynta maalinlaha ah ee xanuunada la kala qaado. Haddii shaqobixiyuhu uu wakhtigaas bixiyo mishaar isaga ayaa xaq u leh in uu lacagtaas helo.

Sharciga xanuunada lakala qaadayo shardiyo ayaa ku yaalla ka hadlaya xaaladda ah in ilmaha shaqaaluha la galiyo karantiin. Xaaladaas xataa waa in lagu siiyaa shaqaalaha taakulaynta xanuunada la kala qaado.

Haddii karantiinka ay sababtay safar shaqo waxa loo arki karaa in uu shaqobixiyuhu sabab u ahaa isaga ayaana lagu amri karaa in uu mishaarka bixiyo si caadi ah. Safar shaqo shaqaale u baxay oo ku khasbanaaday in uu karantiin ku galo meesha uu joogo xataa way saamaynaysaa amarkaasi. Hadii safarku uu ahaa mid dalxiis ah waxa laga yaabaa xaaladu inay ka duwanaato, arinkaas wali wax sharci lagama qorin. Waxa saamayn ku yeelan kara in tusaale ahaan qofku uu u safray meelaha dowladdu ay ka taliso inaa la tago.

Miyuu shaqaaluhu xaq u leeyahay mishaarkiisa hadii uu u xanuunsaday korona?

Haddii shaqaaluhu uu korona dartii u xanuunsaday (awooddiisa shaqo ay xadidantahay xanuunka dartii) waxa laga ogaanayaa xuquuqdiisa shaqo heshiiskiisa shaqada shardiyada ku yaalla. Sida caadiga ah muddada xanuunka mishaarka la bixinayo waxa lagaga heshiiyay shardiyada heshiiska shaqada.

Waalidka ilmaha korona qaaday miyuu xaq u leeyahay in uu helo fasax muddada daryeelka?

Haddii shaqaalaha ilmihiisa oo ka yar 10 sano uu u xanuunsado korona feyrus waxa uu xaq u leeyahay fasax daryeel ah oo muddo cayyiman ah. Fasaxa noocaas ah waxa uu ku xidhanyahay heshiiska shaqada/shardiga lagu fulinayo heshiiska shaqada. Muddada daryeelka ee xanuunka mishaarka la bixinayo waxa lagu qoondeynayaa heshiiska shardiga shaqada.

Xaaladaha qaarkood shaqaaluhu wuxuu lahaan karaa xuquuq uu shaqada kaga maqnaado oo ay keenayso xaalad qoyseed oo kahsabaysa (ilmaha oo 10 sano ka wayn oo xanuunsan, ilmaha oo xanuunsan, caruurta oo xanaanadoodii la xidhay) Markaas oo kaliya shardiyadu way adagyihiin laakiin dabcan way cadahay ilmaha inaanan bilaa daryeel la dayn karaynin. Maqnaanshaha noocaas ah waa bilaa mishaar (haddii anan shardiga heshiiska shaqada wax kale lagu heshiin). Looguma talo galin maqnaansho muddo dheer ah.

Caddaymo noocee ah ayaa loo baahanyahay muddada maqnaanshaha xanuunka wakhtiga korona feyruska?

Caddaymaha maqnaanshaha xanuunka waa waajib in la keenaa waxayna ku taalaa shardiyada shaqada ee heshiiska shaqada. Ebidemiyada korona feyrus waxa ay ku taliyeen ururada shaqaaluhu in ay ku filantahay ogaysiiska uu shqaaluhu xaaladiisa ka bixinayo, si anan loogu khasbin in la cusleeyo shaqaalaha caafimaadka oo looga hor istaago sii faafidda cudurka.

Sharciga cudurada faafaya saamayn noocee ah ayuu ku leeyahay bixinta mishaarka?

Haddii shaqaalaha lagu amray in la karaantimeeyo waxa uu xaq u leeyahay 100% oo kamid ah taakulaynta maalinlaha ah ee xanuunada la kala qaado. Haddii shaqobixiyuhu uu wakhtigaas bixiyo mishaar isaga ayaa xaq u leh in uu lacagtaas helo.

Halkeen ka heli karaa macluumaadka shaqodalbadaha ku socda ee adeegtada xafiisyada shaqada ah (TE-toimisto)?

Adeegyada xafiisyada shaqada waxad ka heli kartaa bogaggooda internetka. Xafiisyada shaqadu waxay fulinayaan la talinta haayada caafimaadka ee THL iyo maamulka goboladda ee AVI ee ku saabsan u adeegidda macaamiisha. Adeeggu waxa uu u wareegay taleefanka iyo internetka.

Sida ugu dhakhsaha badan ee ugu fiican arimahaaga waxa ku xalin kartaa adiga oo isticmaalaya adeegga internetka ee Oma Asiointi. Waxa kalood ka waci kartaa taleefanka. Si ad uga hortagto in safaf dhaadheer aanay dhalanin, fadlan wac kaliyaata haddii ad rabto arin kadis ah inaad ka hadasho.

Haddii aanay kuu suuro gal ahayn inaad internetka ama taleefanka kala macaamiisho xafiisyada shaqada ayaad ka heli kartaa foomam daabacan. Macluumaadka ciwaanadooda ee degmooyinka kala duwan waxad ka heli kartaa bogga internetka ee xafiiska shaqada (>Asioi meillä).  In qofku uu ka danaysto xafiiska shaqo la’aanta xaaladan korona ayaa ku keentay xadayn. Ugu badnaan 10 qof ayaa markiiba xafiiska joogi kara.

Marka ad ku dhaqanto hagitaanka xafiiska shaqada iyo kuwa shaqaalaha iyo haayadaha caafimaadka, xuquuqdaada amniga shaqo la’aantu isma badalayo.

Ka akhriso macluumaad dheeri ah bogga xafiiska shaqada (ingiriis buu ku qoranyahay)

Adeegyo nooce ah ayay shirkadu ka helayaan xafiisyada shaqo la’aanta xaaladan isbaddalka marka lagu jiro?

Bogga internetka ee xafiiska shaqada iyo qutulduruuriga waxad ka helaysaa macluumaad la xidhiidha qaababka shaqaalaha shaqada looga fadhiisiyo iyo nidaamyada waxqabadka wadajirka ah. Haddii shaqaale shaqo laga fadhiisinayo waa in toos loogu sheegaa. Haddii shaqaale badan mar shaqada laga wada fadhiisinayo waxa laga heli karaa latalin xafiisyada shaqada.

Shaqaalaha shaqada laga fadhiisiyay waxa ay xaq u yeelanayaan adeegga amniga isbadalka ee xafiiska shaqada, kuwaas oo lagu siinayo adeegyo dib u toobabar iyo dib u shaqaalaysiin ku saabsan.

FIIRO GAAR AH U YEELO!

Dowladdu waxay isku diyaarinaysaa inay u bandhigto barlamanka in nidaamka waxqabadka wadajirka ah wada tashigooda la soo gaabiyo laga dhigo 5 maalmood. Wakhti xaadirkan muddada wadatashigu waxa weeyaan oo 14 maalmood  ama lix todobaad yada oo ay ku xidhantahay ka fadhiisinta shaqadu shaqaalaha ay khusayso tiradooda iyo muddada shaqada laga fadhiisinayo.

Taas waxa dheerin ay dowladu u bandhigayso barlamanka sharci suuro galinaya in shaqaalaha muddada cayiman shaqaynaya lagaga fadhiisin karo shaqada sharciga lagaga fadhiisiyo shaqaalaha heshiiskiisu uunan wakhti ku cayimnayn.

Isbadaladan ujeedadoodu waa in ay ahaadan kuwo muddocayiman uun jira. La soco tem.fi macluumaadka lagu soo qorayo ee finish iyo ingiriis ku qoran.